Madaxweyne Xasan Sheikh Mohamud oo maanta u dhoofay dalka Ethiopia iyo Madaxda Golaha Mustaqbalka oo markii 2aad galabta laga celiyey iney galaan xayndaabka Xalane ee ay degan yihiin Axmed Madoobe iyo Siciid Deni

 

Madaxweyne Xasan Sheikh oo maanta u dhoofay dalka Ethiopia si uu uga qaybgalo shirka Midowga Afrika iyada oo ay magaalada Muqdisho ku sugan yihiin 4ti beri ee lasoo dhaafay madaxda maamulada Puntland iyo Jubaland kuwaasi oo qayb ka ah Golaha Mustaqbalka Soomaaliya iyaga iyadoo qorshuhu uu ahaa inuu qabsoomo kulan dhex mari lahaa iyaga iyo Madaxweyne Xasan Sheikh balse kulankaasi oo aan qabsoomin ayuu Madaxweyne Xasan ka dhoofay magaalada Muqdisho waxaana la rajeynayaa in kulanku uu qabsoomo markii uu Maxaxweyne Xasan Sheikh dalka dib ugu soo laabto.

Dhanka kale waxaa markii 2aad galabta laga celiyey iney galaan xayndaabka xerada Xalane xubno ka mid ah Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo rabay iney u tagaan Siciid Deni iyo Axmed Madoobe oo halkaasi degan. Xalay ayay ahayd sidaasi oo kale markii albaabka xeyndaabka Xalane laga soo celiyey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo Raysulwasaarihi hore Mohamed Xuseen Rooble.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

powered by somalisphere.com | Copyright 2026: somalisphere .