Soomaaliya oo Amartay in Safiirka Imaaraadka uu Dalka uga Baxo 72 Saacadood Gudahood
MUQDISHO, 19 Nofeembar 2026 – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa go’aamiyey in safiirka Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya uu dalka uga baxo muddo 72 saacadood gudahood ah, xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Muqdisho iyo Abu Dhabi.
Go’aankan ayaa lagu dhawaaqay kaddib kulan aan caadi ahayn oo Golaha Wasiirrada uu Khamiistii yeeshay, kaas oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, kulanka waxaa Golaha Wasiirrada warbixin ka siiyey Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Gaashaandhigga iyo Amniga Gudaha, iyo sidoo kale Agaasimaha Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA).
Warbixinta ayaa la xiriirtay faragelinta Imaaraadka Carabta ee arrimaha Soomaaliya iyo saameynta ay ku yeelan karto Qaranimada, Madaxbannaanida, Amniga iyo Danaha guud ee dalka.
Kaddib markii ay Golaha Wasiirradu ka doodeen warbixinta, waxaa la faray Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah inuu si rasmi ah ugu wargeliyo safiirka Imaaraadka Carabta ee Muqdisho in uu dalka uga baxo muddo 72 saacadood gudahood ah.
Go’aankan ayaa imaanaya iyadoo uu sii xoogeysanayo khilaafka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, kaas oo maalmihii u dambeeyey gaaray heer ay labada dhinac si fagaare ah isu weydaarsadaan eedeymo la xiriira faragelinta arrimaha gudaha Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhowaan si cad Imaaraadka ugu eedeeyey inuu faragelin ku hayo arrimaha gudaha dalka, isla markaana uu dhaqaale iyo hub ku taageerayo kooxo hubeysan iyo maamullo ka jira Soomaaliya, taas oo uu sheegay inay halis ku tahay xasilloonida iyo madaxbannaanida dalka.
Imaaraadka Carabta ayaa muddo dheer xiriir siyaasadeed, dhaqaale iyo mid amni la lahaa qaar ka mid ah maamul-goboleedyada Soomaaliya.
Go’aanka cusub ayaa noqonaya tallaabo diblomaasiyadeed oo culus oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka qaadday Imaaraadka Carabta, iyadoo la sugayo jawaabta rasmiga ah ee Abu Dhabi iyo tallaabooyinka xigi kara.
Brown Land News ayaa si dhow ula socon doonta isbeddellada ku yimaada khilaafka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

