Daacish oo weli weerarro miinooyin ah ka fulinaysa Buuraha Calmiskaad, inkastoo muddo laba sano ah lala dagaallamayay

Waxaa qoray: Abdiasis Farah Said

CALMISKAAD, Soomaaliya — Gaari ciidan oo ay leeyihiin ciidamada Puntland ayaa goordhow miino kula kacday deegaanka Gaatir Oodan, oo u dhow Afka Curaar, kuna yaalla gudaha Togga Jeceel ee buuraha Calmiskaad.

Miinada ayaa la sheegay in ay halkaas ku aaseen maleeshiyaadka kooxda Daacish ee ka dagaallama buuraha Calmiskaad. Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in qaraxu sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidamada,  wararka laga helayo goobta qaraxu ka dhacay ayaa sheegaya in hal askari uu ku dhintay halka 6 kalena ay ku dhaawacmeen qaraxaasi.

Dhacdadan ayaa muujinaysa awoodda ay kooxda Daacish weli u leedahay in ay weerarro miinooyin ah ku beegsato ciidamada Puntland ee ka hawlgala gudaha Togga Jeceel, ku dhowaad laba sano kadib markii Puntland ay bilowday howlgallada milatari ee ka dhanka ah kooxda.

Dhanka kale, maleeshiyaadka Daacish ayaa dhowr jeer weeraray kaabayaasha isgaarsiinta ee deegaanka Togga Jeceel. Bilihii lasoo dhaafay ayay laba jeer burburiyeen anteenada shirkadda Golis ee deegaanka Sheebaab, oo u dhow tuulada Dhaadaar, taas oo hakad gelisay isgaarsiintii deegaankaasi.

Weerarrada kooxda Daacish ee buuraha Calmiskaad ayaa la sheegay in ay sii xoogeysanayeen lixdii bilood ee lasoo dhaafay. Adeegsiga miinooyinka iyo weerarrada ka dhanka ah kaabayaasha isgaarsiinta ayaa muujinaya in kooxdu weli leedahay awood hawlgaleed iyo joogitaan muuqda oo ay ku leedahay buurahaasi.

Inkastoo Puntland muddo ku dhow laba sano wadday howlgallo milatari oo ka dhan ah Daacish, haddana weerarrada sii socda ayaa muujinaya caqabadaha amni ee weli ka jira buuraha Calmiskaad iyo awoodda kooxda ee ay ku beegsan karto ciidamada ammaanka.

Somalisphere ayaa la soconaysa xaaladda, waxaana la filayaa in faahfaahin dheeraad ah laga helo khasaaraha iyo duruufaha weerarka marka ay suuragasho in xog laga helo deegaanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

powered by somalisphere.com | Copyright 2026: somalisphere .